Welcome to all those returning listees! I myself have been on a long hiatus (all I remember is alot of land and alot of being lost... thus land of the lost). Big chaka the beast ups! and also Baadiyaa kuwaa lagu rartee orodka bay siiya. Badistooda kaa garanayee barasho soo qaatay.... arrrrrrrrrg! meeeeelooooo! and also remember always.. Allihii dunida uumee aradka meegaaray--Aasaas la'aan joojiyee udub ku taageerin--Goortuu albaabada u furay aadan soo geliye--Adhaxdiisa xaawoo ka timi oori uga yeelye--Ubadkay dhaleen baa tarmoo uunku soo badaye--Ayaantaa aqoontiyo cilmiga soo abaabula e--Urursade anfaaciga dhirtiyo ubaxa geedaaye--Aqal ay galaan bay dhisteen ilaxidh waaweyne--Eebada markii ay tunteen soo ugaadhsada e--Adhi iyo gammaan bay dhaqdeen ababna siiyeene--Iniintay ku beereen dhulkaa soo awaal baxaye..Aalaadka fudud bay barteen kuna adeegteene--Aafaadka cudur bay dawada kaga adkaadeene--Afkii lagu hadlaayey qoreen idil dhamantiiye-- Alif astaamaha ka dhige aadna loo baraye--Alfabeetadii laga abuur erayo dhaadheere--A'dii maan dhammaynine haddaan ururiyoo koobay--Barbarkeeda bii baa ku taal ba ina waa taase--Haddii aan bayaanshoo ayana erayo soo baadho--Barashada aqoontiyo markii hor u mar loo baydhay--Badaa laga tallaabe cilmiga dunida loo baahshay--Beyjyada markii lagu qoree baalka lagu dheehay--Ee loo baraarugay aqoon barasho dheeraada--Waxa baahi loo qabay ninkii buugta dhigilaaye--Ee barbaarta soo ururinlaa kii wax baranlaaye--Ee baaqa dheerayn lahaa hawlna bogan laaye--Bulshadii markay kulantayee beeshi soo ururtay--Baashii aqoontaa la helay biligu saaraaye--Haddii aan bayaanshoo ninkaa beydka ku caddeeyo--Boqolkiiba boqol waxa la yidhi baraha weeyaane--Basadiyo qofkii laga qabsado badaxa baashiisa--Ama biixiyuu kala jabaan bawdo kala duusho--Bogga iyo calooshiyo ninkii beerka laga maago--Kii bilicsanaayee indhaa baylku soconaayo--Ee ay bakooradu heshee beelis laga yaabo--Biif aan hadhayn iyo ninkii duray bestii jiifa--Uu baal ku reebee hurdada laba bogleynaaya--Intaa aan bukaan tiriyayee boogtu ololayso--Baantooda kaa garanayee barasho soo qaatay. _________________________________________________________________ Find things fast with the new MSN Toolbar includes FREE pop-up blocking! http://clk.atdmt.com/AVE/go/onm00200414ave/direct/01/
participants (1)
-
Chaka the Beast